Dhowr istaan oo ka mid ah istaanada metroga ayaa xiran muddada u dhexeysa 3.6-8.9.2024, goobaha ay ku yaallaan oo ay shaqo ka socoto awgeed

Hawlo dayactir ah ayaa laga bilaabi doonaa istaanada iyo jidadka metroga ee ku yaalla inta u dhexeysa Itäkeskus iyo Mellunmäki ee bariga magaalada Helsinki. Astaamanka metroga ayaa xiran, shaqada ka socota goobahaas awgeed. Metrogu waxaa uu xilliga xagaaga ah u shaqyn doonaa si ka yar sidii hore, taasoo macnaheedu yahay in dhammaanba astaamanka metroga ay xilliyada sugitaanka metroga ka dheer yihiin sidii caadiga ahayd. Basaska lambarkoodu yahay 90, 92, 94, 95 iyo 96 ayaa si aad ah u shaqayn doona xilliga xagaaga. 

Istaanka metroga ee xarunta tareemada (Rautatientori) waxaa ay xiran tahay muddada u dhexeysa 3.6.–1.9.

  • Socodka metroga ee istaanka metroga ee xarunta tereemada, gabi ahaanba waa uu istaagi doonaa. Metroga uma raaci kartid xarunta ama bartamaha magaalada.
  • Astaanka uu metrogu ku dhammaanaayo marka laga yimaado dhanka bariga waa astaanka jaamacadda Helsinki (Helsingin yliopisto). Metroga u socda galbeedka waxaa uu ka bixi doonaa Kamppi. Maxaddada Jaamacadda Helsinki waxaad ka raaci kartaa taraamyada 9 ama 9B oo ku gaynaaya Kamppi.
  • Laga bilaabo isniinta 2.9. ayaa metrogu uu markale sidii caadiga ahayd dib uga bilaabmi doonaa astaamanka metroga ee xarunta tareemada.

 

Astaanka Mellunmäki waxaa ay xiran tahay muddada u dhexeysa 3.6.–8.9.

  • Muddada u dhexeysa 3.6.–6.iyo 5.8.–8.9:
    • Marka aad ka soo baxayso Mellunmäki ee aad u socoto dhanka bartamaha magaalada: waxaad astaanka metroga ka raacdaa basaska 95, 99M iyo 560, waxaadna u raacdaa illaa iyo Kontula. Metroga si caadi ah ayuu uga shaqaynayaa Kontula.
    • Marka aad ka imaanayso dhanka bartamaha magaalada ee aad ku soo socoto dhanka Mellunmäki: waxaad metroga u soo raacdaa illaa iyo Kontula, waxaad ku beddelataa oo Kontula ka raacdaa basaska 95, 99M ama 560. Basaska 95, 99M iyo 560 ayaa waxaa ay aadayaan Mellunmäki.
  • Muddada u dhexeysa 24.6.–4.8.:
    • Marka aad ka imaanayso dhanka bartamaha magaalada ee aad ku soo socoto dhanka Mellunmäki: waxaad metroga u soo raacdaa illaa iyo Itäkeskus, waxaad ku beddelataa oo Itäkeskus ka raacdaa baska 99M. Baska 99M ayaa aadaya Mellunmäki.
    • Marka aad ka soo baxayso Mellunmäki: waxaad astaanka metroga ka raacdaa baska 99M, adigoo usii raacaya illaa iyo dhanka Itäkeskus. Metrogu si caadi ah ayuu uga shaqaynayaa laga bilaabo Itäkeskus.
  • Laga bilaabo isniinta 9.9. ayaa metrogu uu markale ayuu sidii caadiga ahayd dib uga bilaabmi doonaa illaa iyo Mellunmäki.

 

Astaanka Kontula waxaa ay xiran tahay muddada u dhexeysa 24.6.–5.8.

  • Marka aad ka imaanayso dhanka bartamaha magaalada ee aad ku soo socoto dhanka Kontula: u raac metroga illaa iyo Itäkeskus, waxaad astaanka metroga Itäkeskukus uga beddelataa oo ka raacdaa baska 99M. Baska 99M ayaa aadaya dhanka Kontula.
  • Marka aad ka soo baxayso Kontula ee aad u socoto dhanka bartamaha magaalada: waxaad ka raacdaa baska 99M waddada Kontulantie, waxaadna u raacdaa illaa iyo Itäkeskus. Metrogu si caadi ah ayuu uga shaqaynayaa laga bilaabo Itäkeskus.
  • Laga bilaabo isniinta 6.8. Metrogu markale ayuu sidii caadiga ahayd uga shaqaynayaa ilaa iyo Kontula.

 

Astaanka Myllypuro waxaa ay xiran tahay muddada u dhexeysa 24.6.–5.8. 

  • Marka aad ka imaanayso dhanka bartamaha magaalada ee aad ku soo socoto dhanka Myllypuro: u raac metroga illaa iyo Itäkeskus, waxaad astaanka metroga Itäkeskus uga beddelataa oo ka raacdaa baska 99M iyo baska 92 oo aadaaya illaa iyo Myllypuro. Baska 99M waxaa uu istaagayaa oo keliya meesha Liikuntamylly oo dhacda geeska waddada wareegga ah ee Kehä I.
  • Marka aad ka soo baxayso Myllypuro ee aad u socoto dhanka bartamaha magaalada: waxaad raacdaa baska 92 ama meesha Liikuntamylly ee geeska waddada wareegga ah ee Kehä I waxaad ka soo raacdaa baska 99M oo u raac dhanka Itäkeskus. Metrogu si caadi ah ayuu uga shaqaynayaa laga bilaabo Itäkeskus.
  • Laga bilaabo isniinta 6.8. Metrogu markale ayuu sidii caadiga ahayd uga shaqaynayaa ilaa iyo Myllypuro.

 

Sidan soo socota ayaad u isticmaali kartaa basaska lagu beddelay metroga

Jooji baska adigoo gacanta u haadinaya. Waxaad baska ka soo geli kartaa albaabka dhexe. Uma baahnid inaad darawalka tusto kaarka baska ee kuu shaqaynaaya.

 

Faahfaahinta dheeraadka ah ee arrinkaan ku saabsan waxaad ka akhrin kartaa cinwaankaan: www.hsl.fi/metro2024 (luqadaha af-finishka, af-iswidhishka iyo af-igiriiska)